Taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen.Siciid Dheer oo shir jaraa’id qabtay
December 30, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe Taliyaha guud ee ciidanka difaac Puntland ahna madax amniga ee doorashad Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere. Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ahna madax amniga ee doorashad Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa sheegay in xaalada amniga ee Garoowe ay tahay mid wanaagsan isagoo ugu baaqay dhamaan laamaha amaanka ciidanka, musharaxiinta iyo shacabka in ay ka wada shaqeeyeen sugida amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabadgelyo ah.
Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ahna madax amniga ee doorashad Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa waxaa uu shirka jaraa’id uga hadlay dhacdadii lagu rasaaseeyey gaariga uu lahaa musharax Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf Yeey isagoo sheegay in baaritaan dheer ka dib ay ogaadeen in hal xabad uu riday mid ka mid ah Ilaalad Taliyaha ciidanka Madax tooyada Puntland wax siyaaso ahna ay ka danbayna haddana la xiray askarigii xabada riday lana soo taagi doono Maxkamada.
Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ahna madax amniga ee doorashad Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa raali geli ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeeray gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xisri Cali isagoo ugu baaqay in maamulka Gobolka uu ku ekaado una daayo wixii amni ah gudiga amniga iyo saraakiisha ciidanka ee uu madaxda u yahay Gen.Siciid Dheer.
Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ahna madax amniga ee doorashad Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa ugu baaqay dhamaan ciidanka Puntland iyo weliba ilaalad musharaxiinta in aan la oglayan in hub aan lala mari karin magaalada Garoowe qofkii arrimahaas ku kacana la qaban doono.
M_M_Deeq
Halgan.net