Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed oo tegay Boosaaso

December 9, 2013 - Written by Editor

CiidanaskarboosaasoBoosaaso:-Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed Aw-musse oo ay weheliyaan ciidamo ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Taliyaha  iyo ciidanka la socda ayaa u jeedadda safarkood ah tahay in la adkeeyo amaanka magaalada Boosaaso ka dib qaraxii ka dhacay  magaalada Boosaaso.

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed Aw-Musse ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Saraakiil ciidan waxaan la filayaa in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaa Saraakiisha ciidanka magaalada Boosaaso iyo waxgaradka Boosaso si loo adkeeyo amaanka guud ee magaalada.

Socdaalka uu ku gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed Aw-Musse ayaa ku soo beegmaysa xili ay magaalada Boosaso ay ku sugan yihiin  qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweyna nimada Puntlland kana wadaan olalahooda siyaasadeed.

Dhinac kale warar hoose ayaa sheegay in la filayo in madaxweynaha Puntland  uu socdaal ku soo gaaro magaalada Boosaso taasna ay sabab u tahay in ciidano dheeraad ah ay ka yimaadaan Garoowe si aysan wax khalkhal amni uga dhicin magaalada maadama ay jiraan sidda la sheegayo xogo sheegay in ay jiraan kooxo is biirsaday oo doonayo in ay abuuraan jawi amni daro.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online