Wafdi ka socda dowladda China oo booqasho shaqo ku jooga Muqdisho.

December 29, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi uu hogaaminayo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya oo gelinkii hore ee maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayey wufuuda dowladaha Soomaaliya iyo China isku dhaafsadeen Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee qotada dheer ee labada dal u dhaxeeya , qiimeynta iyo fulinta mashaariic dowladda China ay balan qaaday inay ka hirgelin doonto wadanka iyo dib u furidda Safaaradda China ee Muqdisho.

Kulankaasi kadib , Wafdiga China ee uu hogaaminayo Mr. Wei Hongtian, waxa ay booqasho ku tageen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ay kula kulmeen Xoghayaha joogtada ee Wasaaradaasi Abukar Dahir Osman , oo Saxaafadda u sheegay Ujeedka socdaalka wafdiga ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda China uu la xiriiro qiimeynta mashaariic dib u dhis oo wadanka laga fulin doono.

Wafdiga dowladda China oo ka kooban 3 Xubnood ayaa waxa ay kaloo la kulmeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ,Boostada , isgaarsiinta iyo gaadiidka H.E. Abdishakur Ali Mire iyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho , iyagoo ka wada hadlay suura-galnimada fulinta mashaariic wadaag ah , dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka oo dowladda China ay horey u dhistay iyo qodobo kale .

Booqashooyinka Wafdigani ka socda dowladda China ay ku kala bixiyeen Wasaaradaha Arrimaha dibadda ,Arrimaha gudaha,Warfaafinta,Tiyaatarka iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayay Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee China Ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “ Yuusuf Dheeg” iyo Saraakiisha hab maamuuska qaranka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations.

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online