Wararkii ugu dambeeyey qaraxii makhribkii ka dhacay magaalada Nairobi
December 14, 2013 - Written by EditorNairobi:-Sida uu qoray wargeyska Daily nation, ayaa lagu qoray in ilaa 4 qof dhimashadooda la xaqiijiyey, halka dhaawucu uu marayo dhowr iyo labaatan qof, kuwaasoo la gaarsiiyey isbitaallada Guru nanak iyo Agakhan.Gaariga qaraxu ka dhacay ayaa ah kuwa loo yaqaano 6 ee isaga kala goosha xaafadda Islii iyo faras-magaalada Nairobi, wuxuuna gaarigu markaas ku sii jeediyey xaafadda Islii.
Waxaa jira khasaare kale oo soo gaaray gawaari goobta ka agdhaweyd, waxaana meesha qaraxu ka dhacay ay saldhigga Pangaani u jirtaa ilaa 100 talaabo, waxaana ilaa iyo hadda ka soo baxaya warar kala duwan,Dadweynaha xaafadda Islii ayaa aad uga naxay maqalka qaraxaas, iyadoona dadku ay goor horeba ku xaroodeen guryahooda, waxayna ka baqanayeen in bileysku u dhibaateeyaan falkaas sababtiis.
Wixii warar ah ee soo kordha dib ayaan idinla socod siin doonaa haddii Ilaahay idmo.
Halgan.net/Somalireal