Wariye ay jir dileen ilaalada musharax Maxamed Cabdi Nuur.[Masawiro]
December 25, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka uu isku dhac dhexmaray mid ka mid ah wariyaasha u shaqeeya Tv-ga Somsat iyo askari ilaalo u ahaa musharax Maxame Cabdi Nuur, falka ayaa dhacay ka dib markii askariga uu diiday in warbaahintu wax war ah wiidiiso musharaxiinta oo kulan uga socday guriga Musharax Maxame Cabdi Nuur, ka hor inta uu baarayo wariyaha taas oo sababtay gacan qaad dhex mara wariyaha iyo askariga.
Falka ayaa waxaa kale oo uu dhib ka soo gaaray wariye Mahad Cabdi Cali oo isagu aan qayb ka ahayn muranka dhexmaray ilaalada musharax Maxame Cabdi Nuur iyo wariyaasha qaar kood. Waxaa xusid in wariyaasha ay u yeereen qaar ka mid ah musharaxiinta si ay u tabiyaan shir jaraa’id oo ay qabanayaan.
no images were found
Wariyaasha ayaa yimid guriga musharax Maxame Cabdi Nuur, iyagoo filayey in musharaxiintu ay la hadlaan saxaafada balse is faham la’aan dhexmaray ilaalada musharax Maxame Cabdi Nuur,yo wariyaasha ayaa dib loo dhigay shirkii jaraa’id ee ay qaban lahaayeen musradaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland oo iyagu si rasmi ah u ogalaaday Gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada ka mid noqonay golaha baarlamaaka ee uu magacaabag madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole.
M_M_Deeq
Halgan.net