Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay qaraxii Boosaaso[Dhagayso]
December 5, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga waxaa uu kaga waramay qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso khasaarihii ka dhashay iyo weliba cid falkaas ka danbaysa.
Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in qaraxu ay ku dhinteen ilaa 8 qof oo uu ku jiro qofka naftiisa miineeyey waxaan ku dhaawacmay ilaa 37 qof oo shacabkii reer Boosaaso. Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa yiri ” Qarax waxaa ka danbeeya Al-shabaab waa soo qabanaynaa siddii kuwii ka horeeyey aan u soo qabanay waxaan geyn doonaa Maxkamad.
Qarax maanta ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan oo u badan shacab maadaan qaraxu uu ka dhacay goob dadku ku badan yahay ayna ku yaalaan goobo gacansi
Hoos ka Dhagayso Qarax ka dhacayh Boosaaso oo ay ka waramayso gabar goob joog ahayd iyo waraysi uu BBC-da siiyey Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan .
M_M Deeq
Halgan.net