Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Fiqi oo gaaray Gobalka Sh/ Hoose

December 22, 2013 - Written by Editor

Wasiir_fiqiMuqdisho:-Wafdi uu horkacayo Sii Hayaha xilka wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa ay gaareen gobolka Shabellaha Hoose si ay u xaliyaan dagaalada mar walba ka soo cusboonaada gobalka  Shabellaha Hoose  kaas oo u dhexeeya beelo wada dega gobalka

Sii Hayaha xilka wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa warbaahinta ku hadasha Afka DFS waxaa uu u sheegay in socdaalkooda uu yahay sidii xabad joojin iyo nabad loo kala dhexdhigi lahaa beelaha ku dagaalamaya  gobalka  Shabellaha Hoose

Sii Hayaha xilka wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ayaa waxaa uu yiri “Ujeedada socdaalkeena wuxuu yahay sidii xal nabadeed loogu heli lahaa dhibaatooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ka aloosan ee beelaha walaalaha ay ku dagaalameen, waxaa naga go’an inaan halkan ka keeno dib u heshiisiin”

Wafdiga uu hogaaminayo Sii Hayaha xilka wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya odayaal dhaqameedyo, wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda beelaha colaadu ka dhexeyso iyo Saraakiil ka tirsan DFS.

Dagaalka ka socda gobalka  Shabellaha Hoose  ayaa ilaa haatan dowlada federaalka aysan wax xal ah u helin waxaana dagaaladaas ku barakacay dadweyne badan oo rayid ah  waxaana la gubay tuulooyin iyo beero dhowr ah.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online