Wasiirka Maaliyada DFS oo ka tacsiyeeyey qaraxii maanta ka dhacay Boosaaso

December 5, 2013 - Written by Editor

cawilMuqdisho:-Kusimaha Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Qorshaynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Xassan Suleiman ayaa ku tilmaamay qaraxii maanta ka dhacay magaalada boosaaso mid ay soo agaasimeen argagaxisada ururka Al-shabaab.Wasiirka ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ay cadowtinimo ku dheehan tahay isla markaan aan laga gaarin u jeedkii laga lahaa.

“Aad ayaan u camabaareynayaa kooxihii ka danbeeyey qaraxaas oo ay ku dhinteen dadka badani, waana mid aan laga gaarin u jeedkii laga lahaa, waxaana waxyeelo baaxad leh ka soo gaartay dad shacab ah oo qaarkood ganacsiyo ku lahaa agagaarka halka uu qaruxu ka dhacay, iyo kuwo wadada marayey, waxaana soo abaabulay dhagar qabayaal u adeega cadowga Soomaaliyeed”

Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dadkii ehelkooda iyo qaraabadoodu ay ku geeriyoodeen qaraxaas isagoona ilaahay uga baryey inuu u booga dhayo kuwii dhaawacyadu ka soo gaareen.

Abdi Jamac
Muqdisho

 

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online