Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta DFS oo ku soo laabtay Muqdisho [Masawiro]

December 8, 2013 - Written by Editor

DSC00678Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xassan Sulaymaan ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib Shirar caalami ah oo Wasiirku uga qayb galay dalalka biljamka iyo Franca kuwaasi oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu Maxamuud Xasan Sulaymaan Shir Jaraa’id oo Saxaafadda ugu qabtay gudaha garoonka uu faah faahin uga bixiyay socdaalkiisa.

Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa sheegay Shirka hore oo ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Biljamka in ay iskugu yimaadeen wadamada EU, oo xiriir kala dhexeeyo iyagoo ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arimaha Amniga, Siyaasada, iyo dhaqaalaha. “Waxaan kasoo laabtay shir aan uga soo qayb galay magaalada Brusselsee dalka Biljam iyo shir kale oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Franca, shirka hore ee Brussels wuxuu dhex maray EU iyo Midowga Africa, iyo Jazeeradaha loo yaqaan Indian Ocean, ujeedkiisu wuxuu ahaa iskaashiga wada ku midoobay Ururadaasi”ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

no images were found


Mr Sulaymaan ayaa xusay Muhiimada shirkaasi ka dhacay magaalada Brussels inuu yahay sidii wadamadaasi ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen Wax soo-saarka gaar ahaan dhinaca Beeraha iyo sidoo kale Amniga oo uu xusay Wasiirku inay isku xiranyihiin dhaqaalaha wadamadaasi iyo Midka Soomaaliya.

“Shirka Muhiimadiisu Wuxuu ku saabsanaa sidii loo tayayn lahaa wax soo saarka dhinaca Beeraha waad la socotaan Soomaaliya xiliyada ay dhacaan abaaraha waxaa yaraada wax soo saarka dhinaca beeraha taasoo ku xirantahay noloshooda kumanaan Soomaali ah”. Dhanka kale Wasiirka ayaa xusay Magaalada Paris ee dalka Franca inuu kula soo kulmay qaar kamid ah Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya kuwaasi oo kala soo hadlay dib u soo celinta dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay dhawaan inay bilaabeen Maamulka Maaliyada kaasoo uu sheegay inuu yahay Mashruuc dheer oo soconaya mudo dhowr sano ah ujeedkiisuna yahay tayayna maamulka Maaliyada Soomaaliya.

“Qorshaha Wasaarada Maaliyada ee sanadaha soo socda ay hiigsanayso waxaa kamid ah dib u habaynta maamulka Maaliyada Soomaaliya oo aan bilow nay sanadkii hadda dhamaaday wuxuuna soconayaa mudo sadex sano ah, ujeedkiisuna waa kor u qaadista Maamulka Maaliyada si uu ula jaan qaado dunida sida ay wax u maamulato, waxaana dib u dhac ku riday dagaaladii dalka ka dhacay, sidoo kale hadda waxaan diyaarinay Miisaaniyadii sanadka 2014-ka oo iyadu ah tii uu dalku ku shaqayn lahaa sanadka soo socda arintaasi intaanan tagin baan mariyay Xukuumadda dhawaana waxaan hor gayn doonaa golaha Shacabka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada oo wax laga waydiiyay qorshaha Wasaaradiisa ee sanadka 2014-ka.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa maanta kula shiray garoonka diyaaradaha madaxa hay’ada xiriirka caalamiga ah ee Japan Mr, Hideo Eguchi, waxayna isla soo qaadeen sidii loo kobcin lahaa xiriirka ka dhexeeya  labada wadan, iyo sidii dowlada Japan ay qayb uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka, iyagoona labada masuul isla jeex jeexey sidii dowlada Japan ay kaalmayinka ay siinayso Soomaaliya uu noqon lahaayeen kuwo toos loo siiyo dowlada Soomaaliya.

Abdi Jama
<abdijama2020@gmail.com>

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online