Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo looga yeeray Wariyaasha
December 2, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa dhawaan looga yeeray Bahda saxaafada xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowlladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyadoo hadda ay wariyaashu gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS. Ilaa hadda ma cadda wax uu ku saabsan yahay shir ka Jaraa’id ee uu qabanyo Ra’iisul wasaaraha dowlladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wax uu ku saab san yahay balse waxaa la filayaa in uu la xiriiro khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray meel sare.
Ra’iisul wasaaraha dowlladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku tilmaamay mooshinka laga keenay xukuumadiisa mid aan sharciga waafaqsanayn ahna xadgudub lagu sameeyey Dastuurka Soomaaliya. R/wasaaraha dowlladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shalay codsaday in uu ka hor hadlo Xildhibaadada DFS oo kulan lahaa balse arrikaas ayaa waxaa is hortaag ku sameeyey Xildhibaanada taageersan madaxweynaha DFS Xassa Sheekh Maxamuud.
Wxii ka soo baxa shirka Jaraa’id dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle idmo
A/cawaale
Halgan.net