Xaflad xarun cusub oo xadhiga looga jaray Jaamacadda Bariga Africa fareeceeda Buuhoodle.[Masawiro/Video]

December 2, 2013 - Written by Editor

24Buuhoodle:-Munaasibad xariga loooga jarayey dhisme cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Bariga Afrika ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee Jaamacadda loo dhisay oo ku taala galbeedka magaalada Buuhoodle. Xafladda oo ay ka qayb galeen dad aad u tirabadan isuguna jira, Cuqaal, isimo, Culima awdiin, Arday, ganacsato, haween, Dhalinyaro & qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa laga soo jeediyey hadalo dhiirigelin ah.Hormuudka Jaamacadda, bariga Afrika qaybteeda Buuhooodle Dr Cabdishaafi Axmed Cali ayaa ugu horayn halkaas ka hadlay, isagoo dadkii shirka fadhiyey warbixin kasiiyey marxaladihii ay soo martay Jaamacaddu.

Intaas kadib waxaa hadalka isaga danbeeyey, Cuqaal, Aqoon yahano, ardayda Jaamacadda, Qurbajoog & qaybaha bulshada kuwaasoo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda ay tacliintu leedahay. Ugu danbayn waxaa munaasibada soo xiray Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo ka mid ah issimada waaweyn ee gobolka Cayn, waxaana garaadku si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Jaamacadda oo hadda ay ku shaqa bilowday.

no images were found

Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Buuhoodle ayaa hadda gashay sanad Jaamacadeed kii sadexaad intii ay Buuhoodle ka furnayd, waxaana Jaamacaddu ka kooban tahay 3 kuliyadood, oo kala ah kuliyadda, maamulka & Maaraynta BBA, Kuliyadda Computer Sayniska, & mida shareecadda Islaamka, waxaana maamulka Jaamacaddu sheegeen in dhowaan ay ku soo kordhin doonaan kuliyado cusub.
Hoos ka Daawo warbixin dheer oo ku saabsan dhismaha Jaamacadda Bariga Afrikka Faraceeda Buuhoodle

Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika
Buuhoodle, Gobolka Cayn

 

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online