Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

December 6, 2013 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan baalamaanka DFS uu goor dhow ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray waxaana uu qaraxu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, gaar ahaan meel la dhigto gawaarida oo ku dhow guriga Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed oo loo yaqaano Feysal, ayaa ka soo jeeda deegaanada Puntland waxaana gaarigiisa lagu xiray miino iyaga oo ay miinadu qaraxday markii laga soo baxay salaadii jimce ee Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Alla ha u naxariistee Xildhibaan Faysal ayaa wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii sida weyn uga soo hor jeedey mooshinkii lagu ridey Xukuumada Raisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdioon Saacid.

Dilalka iyo Qaraxyada lagu khaarajiyo xildhibaanada ka tirsan DFS iyo saraakiisha dowlada Federaalka ayaa waxaa sahla rag ka tirsan DFS iyaga oo xiriir hoose la leh Ururka Al-Shabaab waxaana arinkaas loo xiray taliyihii hore ee ciidanka Asluubta ee DFS iyo gudoomiye degmo ka tirsan Gobalka Banaadir.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online