Xildhibaan ka tirsan DFS oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho
December 18, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa XIldhibaannada Golaha Shacabka oo isagu goor dhoweyd oo caawa
ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan hor iyo horaan doonayaa inaan halkaan tacsi uga diro anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka geerida naxdinta leh ee ku timid caawa Allaha u naxariistee walaalkeen Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa
Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa qoyskiisa iyo carruurtiisa,guud ahaanna dadka Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeynayaa Xildhibaankooda oo geeriyooday
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey Marxuumka geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,qoyskiisa,carruurtiisa iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka midahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhow oo caawa ah ku geeriyooday Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho isaga oo u geeriyooday xanuun aawgiis.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so