Xildhibaanadda DFS oo kalsoonida kala laabtay Xukuumadii Ra’iisul wasaare Saacid

December 2, 2013 - Written by Editor

breakMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa kalsoonidii kala noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kadib markii ay cod u qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka DFS mooshinka ka dhanka ah xukuumada Raisilwasaare Saacid.

Kulanka xildhibaanada DFS ay maanta ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa waxaa ka soo qeybgalay 249 xildhibaan waxaana gudoonka baarlamaanka DFS uu ka codsaday xildhibaanada in ay cod u qaadaan kalsoonida xukuumada Raisulwasaare Saacid waxaa 184 xildhibaan ay u codeeyeen in kalsoonida laga noqdo Raisulwasaare Saacid iyo xukuumadiisa waxaana mooshinka lagu riday xukuumada DFS diiday ilaa 65 Xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in mooshinka laga keenaya xukuumada uu ansax yahay, isla markaana Xukuumada ay dhacday, lagana sugayo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo magacaabo Raisulwasaare cusub.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Pro.Jawaari ayaa sheegay inta uu Madaxweynaha uu soo magacaabayo Raisulwasaare Cusub ay sii shaqeyn doonto Xukuumada Raisulwasaare DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo golahiisa wasiirada.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow la filayaa in uu ku qabto Shirjaraa,id xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya si uu uga hadlo natiijada ka soo baxday Baarlamaanka DFS iyo kalsoonida laga laabtay Xukuumada Raisulwasaare Saacid.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online