Ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar oo booqday Machadka Imaamu Shaafic ee Burco.[Masawiro]

May 27, 2015 - Written by Editor

10407911_1679943868903478_1395313622164386844_nBurco:-Waxaa maalinimadii Talaadada ahayd ka soo kicitimay magaalada Bosaaso ee xaruta Gobolka Bari wafdi ka socda rabidadda ardayda ka baxday Machadka Ibnu Xajar ee magaalada bosaaso waxaan wafdigu uu ka koobnaa ilaa 4 xubnood iyadoo socdaalkoodu ula jeedkiisu uu ahaa in ay soo booqdaan Ardayda Machadka imaamu Shaafici ee magaalada Burco.

Wafdiga ayaa si nabad ah ku gaaray magaalada Burco,Iyagoo isla maantay ka bilaaway hawlahoodi dacwo ee ay magalada Burco ,waxayna booqdeen dhowr Markaz oo ay ka mid ahaayeen Jaamacadda Al-Najaax, Xarunta Machadka Imaamu Shaafici iyo goobo kale.

Wafdigaan ayaa inta uu joogo magaalada Burco ayaa waxaa la filayaa in uu kulama kala duwan la qaadan doono Multaqaha ardayda ka baxday Machadka Imaamu Shaafici ,ducaadda iyo culimada magaalada Burco .

Fikradaan is booqashada ah ayaa ka timid shirkii ardayda ka baxday Macaahida shareecada Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Laascaanood, shirkaas oo lagu mataaneeyay dhamaan dalladaha matalayay Macaahida kala duwan ee ku yaala gayiga Soomaaliyeed, iyagoo labo labo loo mataaneeyay sidda ka muuqata shaxdaan soo socota:-

1-Machadka Ibnu Xajar(Boosaaso) vs Machadka Imaamu Shafici(Burco)

2-Machadka Khadiija (Garowe) vs Machadka Saylac (Boorame)

3-Machadka Al hidaaya(Burtinle) vs Machadka Dacwo(Hargaysa)

4-Machadka Faaruuq(Galkacyo) vs Machadka Furqaan(Laascanod)

5-Machadka Imamu Bukhari(Galdogob) vs Machadka Furqaan (Buuhoodle)

6-Machadka Al sunah (Muqdisho) vs Machadka Ibnu kathiir(Ceerigaabo)

Socdaalka ducaada gaar ahaan Rabidada ardayda ka baxday machadka ibnu xajar ay ku booqdeen Machadka Imaamu Shaafic ee magalada Burco ayaa waxaa ay qayb ka tahay Olalaha walaalaynta umada Soomaaliyeed oo ay wado culimada dalka Soomaaliyeed.

no images were found

Xafiiska warbaahinta Raabidada Machadka Ibnu Xajar

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online