Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Boosaaso oo ku baaqay in loo gargaaro qaxootiga ka soo qaxay Yemen.[Masawiro]

May 15, 2015 - Written by Editor

IMG_6838Boosaaso:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari oo uu horkacayo Fadiilatu Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa waxaa ay booqasho ugu tageen goob ay ku sugnaayeen dad Soomaaliyeed oo a soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen dadkaas oo isku jira Dumar, Carruur iyo dadwaayeel ah oo aad u tabaalaysan.

Culimada ayaa waxaa ay socod ku soo mareen xerada ay ku jiraan dadkaan Soomaaliyeed si ay u soo ogaadaan xaaladooda dhabta ah wixii tabartooduna ay ugu gargaaraan, dadkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 5,000 oo qof.

Sh Daahir Aw-Cabdi oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu baaq u jeediyey dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool guaha iyo dibada isagoo ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sh Daahir Aw- Cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa cod dheer ugu sheegay gacansadaya reer Boosaaso in ay Alle ka baqaan oo wlaalahood soo gacan gabtaan isagoo Sheekhu uu xusay in haddii dadkaan dhibaataysan wax loo qaban waayo uu Alle ciqaab adag ku ridi doona bulshada.

Sheekh Daahir Awcabdi ayaa sheegay in Alle eegayo wax ay sameeyaan kuwa Alle wax siiyey bal in ay gacan qabtaan walaalahood Soomaaliyeed ee maanta u baahan, Sheekha ayaa ku booriyey dadweynaha reer oosaaso iyo Jaaliyaadka dibada in ay culayska howshaas ay wax ka qabtaan oo wixii Alle siiyey wax kala soo baxaan.

Sh Maxamed macalin oo isna ka hadlay madasha ayaa isaguna sidoo kale ku dheeraaday sidii wax loo tari lahaa dadkan qaxootiga ah, ayna u raacday iyadoo lagu jiro waqti kulayle ah.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cabdullaahi Qoobdeero oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay
in gaadiidyada daabulaya qaxootiga la siin doono waraaqo muujinaya inay ka yimaadeen Puntland, isagoona ka codsaday maamulada ka jira dalka iyo dawladda federaalka in gaadiidyadaasi aan la weydiin lacago canshuur ah.

Intaas ka dib ayaa Culimo’udiinka waxaa ay saareen gudi uu madax ka yahay Sh Axmed Yuusfu Daad haddii aad doonaysid in aad wax ku bixisid waxaad la xiriiri kartaa culimada kala ah:-

1. Sheekh Daahir Aw-Cabdi 252 907 726104

2. Sheekh Axmad Yuusuf Daad 252 907 793171

3. Sheekh Maxamad Macallin 252 907 796364

Hadii aad rabtid in aad wax dirto waxaad si toos ugu diri kartaa Xawaalada kala ah:-

1. Dahabshiil Bank: BSSD 005341

2. Salaam Bank:80125795

3. Sahal akoon 445941

Insha Allaahu dib ayaan idinkaga faahfaahin doonaa booqashada ay culimada ugu tageen shacabka Soomaaliyeed ee ka soo ka qaxay dagaalada ka socda dalka Yeman ee hadda ku sugan magaalada Boosaaso.

no images were found

Source Masawiradda Mu’ssadda Al-minhaaj
/
Halgan.net/SBC

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online