Dibadbax rabshad wata oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

May 11, 2015 - Written by Editor

BurcoBurco:-Dibadbax rabshad wata ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaddib markii Golaha Guurtida Somaliland ay waqtiga u kordhiyeen Madaxweynaha S/land Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in xisbiyada mucaaradku ay ku baaqeen in banaanbax la isigu soo baxo taas oo muujiya in ay diidan yihiiin waqti kardhinta ay golaha Guurtida u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo.

Banaanbaxa ayaa markii hore ku bilaawday si nabad galyo ah balse wuxuu isku badalay markii danbe banaanbax rabshado wata

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa sheegay in ciidanka RRU-da iyo kuwa Booliska ay xoog u isticmaaleen dadweynihii dhigayey banaanbaxa .

Boqollaal dadweyne ah oo careysan ayaa xiray wadooyinka magaalada Burco waxana ay gubeen taayaro .Ciidanka Booliska ayaa xoog ku kala eryey dadweynihii dhigayey banaanbaxa waxaana ay cirka u rideen rasaas.

Ciidamada RRU iyo kuwa Booliska ayaa xoog ku galay Xarunta Xisbiga Wadani waxaana ay xabsiga u taxaabeen masuuliin ka tirsan Xisbiga Wadani.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online