Faahfaahin xubnihii Al-shabaab ee shalay lagu soo bandhiga Boosaaso oo waraysi bixiyey.[Dhagayso]

May 13, 2015 - Written by Editor

IMG_0346Boosaaso:-Taliska ciidanka Booliska ee dowladda Puntland ayaa shalay waxaa ay ku soo bandhigeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari saddex xubnooda oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis.

Saddexda xubnooda ee la soo bandhigay ayaa waxaa saxaafadda uga waramaya Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf, waxaan goobta u sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Duqa degmada Bosaaso Xassan Cabdala Xassan iyo Taliyaha ciidanka Gobolka Bari iyo Mas’uuliyiin kale.

Xubnaha la soo bandhiga waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Cabdinuur Axmed oo lagu naanayso ” Axmed Guray “waxaan uu ahaa Taliyaha ciidanka ururka Al-shabaab ee Buuraha Calmadow waxaan uu sheegay in la qabtay xili uu saarnaa gaari dhex marayey magaalada Garoowe isaga oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Taliye Mukhtaar Cabdinuur Axmed oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in uu ahaa Taliyaha ururka Al-shabaab ee Buuraha Golis uuna ku sugnaa mudo sanad iyo bar ah ka dib markii uu xiriir la sameeyey dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo xusay in uu ka baxay kooxda Al-shabaab.

Taliye Mukhtaar Cabdinuur Axmed oo wax laga wiidiiyey in wax jir dil ah lagu sameeyey ilaa intuu uu ku xirnaa Xabsiga magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aan loo geysan.

Ilo xogogaal ah ayaa u sheegay Halgan.net in Taliye Mukhtaar Cabdinuur Axmed ay Garoowe isagoo gaari saaran ay ka qabteen ciidanka Sirdoonka ee dowladda Puntland ka dib xog ay helleen waan tan sababtay in Madaxweyne Gaas uu saxaafadda u sheego in Puntland ay qabtay Sarkaal muhiim u ahaa ururka Al-shabaab saldhiga ku leh Buuraha Calmadow.

Hoos ka Dhagayso waraysiga uu Taliyihii Aaga Galgala Mukhtaar Cabdinuur Axmed uu siiyey Idaacadda VOA

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/iqnelqdtmd/Axmedgurey.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhinac kale xubnaha la soo bandhigay shalay ayaa waxaa ku jira Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo ah abwaan ku noolaa Magaalada Hargaysa, Isla markaana taageero iyo guubaabo u muujiyay ururka Al-shabaab waxaan Abwaanka lagu xasuustaa Gabaygii uu ka tiriyey ka dib dhacdadii weerarkii Weste Gate ee magaalada Niarobi ee ay fuliyeen Al-shaaab sidda ay iyagu sheegteen arrinkaas oo maamulka S/land ay u xireen ka dibna ay soo daayeen.

Ilaa hadda waxaa dad badan is wiidiinayaa halka iyo goobta laga qabtay Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid iyo wax keenaay Puntland ,Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid ayaa gabaysii uu ka tiriyey dhacdadii Weste Gate ee magaalada Niarobi ku guubaabiyey dhalinyarta in ay laayaan culimada dalka Soomaaliyeed
ee ka hortimid afkaarta guracan ee madaxda Al-shabaab ee khilaafsan diinta Islaamka.

Waxaa kale oo Taliska ciidanka Gobolka Bari ay soo bandhigeen Guuleed Bashiir oo isagu ka mid ahaa Taliyaasha Ciidanka Al-shabaab ee lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay Buuraha Golis gaar ahaan degaanka Galgala oo dagaalo ay ku dhexmareen ciidanka daraawiishata Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

Ugu danbayntii ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa waxaa uu xusay in xubnahaan  ka tirsanaa Al-shabaab la geeyey Maxkamada mudo 4 bilaad ahna ay gacanta dowladda Puntland ay ku jireen.

Madaxda Ururka Al-shabaab ayaa siddii caadiga u ahayd aan ka hadal xubnaha iyo weliba saraakiisha laga qabto mana aysan ka hadal ilaa hadda Taliyahoodii Aaga Galgala Mukhtaar Cabdinuur Axmed ” Axmed Gurey” oo u gacan galay Ciidanka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online