Ismada gobalka Nugaal oo qado sharaf u sameeyey madaxda Soomaaliya (Masawiro)

May 1, 2015 - Written by Editor

IMG_9795Garowe:-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam Iyo Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta Dooxada Jibagalle oo ku taala duleedka Bari ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa qada sharaf ugu sameeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ah Isimida Gobolka Nugaal.

Qada sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ka ah , Guddoomiyaha Gobolka Nugaal , Duqa Caasimadda Garoowe iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad uga mahadceliyey isimida gobolka nugaal marti-qaadkooda iyo is-xilqaankoodaba isagoona tilmaamay soodhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay caadimadda Puntland ee Garoowe.

“Maamulka degmada , kan Gobolka iyo Isimada Reer Nugaaleedba xafladdan quruxda badan iyo qadadan aad kusoo dhoweyneyseen walaaleheena martida noo ah iyo annagaba aad nagu marti qaaddeen waad ku mahadsan tihiin, soodhoweyntu wa mid lagu yaqaan Puntland iyo Garoowe, waana waajib aad gudateenoo martida idiin timi ee walaalihiin ee idin soo booqatay inaad soodhoweysaan waajib idin saaran buu ahaa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yiri madaxweyne gaaas.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isuguna dhankiisa uga mahadceliyey isimida gobolka nugaal iyo dhammaanba bulshoweynta gobolka nugaal soodhoweynihii kala duwanaa iyo qada sharaftan maanta ee ay usameeyeen Isimada dhaqanka ee gobolka nugaal.

no images were found

“Aadaan ugu mahadcelinaa Madaxweyne Cabdiweli iyo Isimada gobolka nugaal oo sida weyn noosoo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noosameeyey isimada gobolka nugaalna waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Puntland”

-DHAMMAAD-

Xafiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online