Madaxwaynaha DFS oo la kulmay Dhalinyaradda Muqdisho iyo Aqoonyahano (Masawiro)

May 14, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmey dhalinyaro iyo aqoonyahanno, si uu u dhegeysto fikradahooda ku aaddan qaabka ugu habboon ee waddanka looga hirgelin karo isbeddelo waxtar leh oo la xiriira dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Arrimaha lagu falanqeeyay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Hiigsiga 2016, kobcinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, maalgashiga, iyo in la sameeyo nidaam canshuureed habeysan.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay fikradaha halkaasi ay ka soo jeediyeen xubnahaasi, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo badbaadinta dalka.

“Aad baan u soo dhoweynayaa fikradahiina saliimka ah. Maadaama dowladdeena ay ku dhisan tahay wadatashi waxaan weli idinka dhowreynaa inaad inoo soo gudbisaan fikrado kuwan aad maanta bixiseen ka badan oo ku qotoma dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha dhalinyarada iyo aqoonyahannada isugu jira ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey fursadda loo siiyey inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka waddanka, iyagoo balanqaadey inay dadaal badan gelin doonaan horumarka Soomaaliya cusub oo nabad ah.

–DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online