Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynayaasha Koonfur-Gabeed iyo Jubba-Land oo ka dhoofay Garoowe.[Masawiro]

May 2, 2015 - Written by Editor

IMG_0143Garoowe:- Madaxweynaha Dawladda Puntalnd Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 02, May, 2015 Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku sii sagootiyey Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxmweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam , Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaan iyo weftiyadii ay kala hoggaaminayeen.

Sagootinta Madaxda iyo wefdiyada la socday waxaa sidookale ka qeyb-qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey , Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire , wasiiro , xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil ciidan , iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kahor intaanu kadhoofin garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland ayaa waxaa uu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta dawladda Puntland iyo Kooxda Baanbeyda, iyadoo ay halkaasi ugu diyaarsanaayeen diyaaradihii ay u kala raaci lahaayeen magaalooyinka Muqdisho , iyo Baydhabo.

Sidookalena Madaxweynaha Maamulka Jubba Axamed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa saacad kadib kaduulay garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe una anbabaxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel-gaadhka ah ee Maamulka Jubba-land.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah oo maalmihii ugu dambeeyey kusugnaa caasimadda puntland ee Garoowe halkaas oo uu ka socdey shirkii madasha wadatashiga Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah uuna maanta kasoo baxay war-murtiyeed lagu kala saxiixday qodobbo waxtar weyn u ah masiirka ummadda soomaaliyeed.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online