Madaxweynaha DFS iyo Wasiirada arimaha dibada ee dalalka Kenya iyo Itoobiya oo gaaray Kismaayo (Masawiro)
May 7, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxwaynaha DFS Xasan Sh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuulinta ugu sareysa Maamulka J/land iyo dadweyne tiro badan.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa saaka ka socda xaflad caleemasaarka ee xubnaha Barlamaanka Jubbaland waxaana ay ka dhaceysaa hoolka Ceymiska .
Wufuud tiro badan oo ka socota beesha caalamka ayaa gaartay maanta magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan xaflada caleemasaarka ee xildhibaanada Barlamaanka Jubbaland waxaana ka mid ah wasiirada arimaha dibada Kenya iyo dowlada Itoobiya.
no images were found
Waxaa kale oo gaaray magaalada Kismaayo xubno ka socda Midowga Afrika ,QM ,iyo saraakiil ka socota Urur gobaleedka IGAD.
Cabdi Yare
Kismaayo
Masawirada Dhanaan.com