Madaxweynaha DFS oo Hambalyo u diray David Cameron

May 10, 2015 - Written by Editor

xasan-shMuqdisho,  May 2015 : Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

‘’Anigoo ku hadlaya Magaca Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaad iga guddoontaa hambalyo diiran adiga iyo xisbigaaga, gaar ahaan guushan weyn ee aad soo hoyseen ee kuu suurageliyey in mar labaad laguu doorto jagada ra’iisul wasaarenimada’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cashar ka barteen doorashadan , maadaama la isku diyaarinayo in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016 muddo dheer kadib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal xiriirkooda uu sii xoogeysan doonno, islamarkaana Britain ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online