Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas oo u baqoolay dalka Talyaaniga (Masawiro)

May 2, 2015 - Written by Editor

IMG_0268Garowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-5-2015 u ambabaxay Dalka Talyaaniga oo uu ka helay casumaad rasmi ah.

Garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa madaxweynaha ku sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, xildhibaano , haween, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale.

Cutubyo katirsan ciidanka iyo kooxda baambayda Puntland ayaa salaan sharaf siiyey Madaxweynaha , kadibna waxaa uu si kal iyo laab ah ugacan qaaday madaxdii iyo dadweynihii kala- duwanee Garoonka ku sagootinayey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in madaxda dalka Talyaaniga uu kala soo hadli doono mashaariicda horumarinta Puntland, kuwa hada ay ka fuliyaan iyo sidookale mashaariic cusub oo horleh oo laga fulindoono Puntland, kuwaas oo lagu horumarinayo Puntland.

” Waxaan rajeyn in mashaariicdaasi waxbadan ka bedali doonaan wejiga Puntland una soo kordhin doonaan horumar iyo nabada Puntland kajira , guul iyo kheyr ayaan ka rajeyn in uu noogu soo dhammaado ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan sidii uu Puntland u horumarin lahaa , booqashooyinka uu madaxweynuhu ku tago dalalka aan saaxiibka nahay waxay soo kordhiyaan in madax kala duwan oo caalamka ah uu soo bandhigo horumarka iyo nabad-gelyada Puntland kajirta si ay ugu dhiiradaan inay ka fuliyaan mashaariic wax ku ool ah.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online