Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirada arrimaha dibada dalka Kenya

May 4, 2015 - Written by Editor

1Nairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibbadda dalkaasi Kenya Aamina Maxamuud , Waxaanay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii laysaga kaashan lahaa amniga, Qaxootiga faraha badan ee soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaasi Kenya iyo Xawaalada Soomaalida oo dhowaan ay Xayiraad kusoo rogtey dawladda Kenya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wasiirka kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta ammaanka Geeska afrika loona soo afjarilahaa kooxaha sharwadayaasha ah ee al-shabaab oo adeegsanaya magaca diinta islaamka oo ay been ka sheegayaan si’ay amni darro iyo khal-khal uga abuuraan geeska afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u sharaxay Wasiirka Umuuraha dibbadda Dalkaasi Kenya Horumarka iyo Nabad-gelyada kajirta Puntland, waxaana uu ka dalbaday in ay dhinacooda ka qey-qaataan iyagoona dalka ka samaysanaya maalgashiyo caalami ah kana taageeraya dhinac walba.

Kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo Wasiirka Arrimaha DIbbadda Dalkaasi Kenya Amina Mohamoud ayaa waxaa uu kusoo dhammaaday guul, is afgarad , waxaana Waxaana laysla qaatay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalinta arbacada ah ka amba-bixidoona Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo ku sii jeeda Magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga halkaas oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi talyaaniga ayna kaga wada hadli doonaan arrio badan oo laxidhiidha horumarka Puntland iyo soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Xafiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online