Madaxweyne ku xigeenka PL Eng. Camey oo ka qeyb-galay xafladda Caleemasaarka Baarlamaanka cusub ee Jubbaland.[Masawiro]

May 7, 2015 - Written by Editor

IMG_1602-450x300Kismaayo:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin C/llaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland.

Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland.
” Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,
Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.

Madaxweyne Camey ayaa sidookale sheegay in Puntland mar walba ay Jubbaland iyo maamul goboleedyada kale ee sida sharciga ah lagu dhiso taageerayso, islamar ahaantaana la garab istaagayso hiil iyo hoo.

Dhammaan madaxdii ka hadashay xafladda ayaa Puntland ku amaanay dadaaalka ay ugashay dhismaha Dawladd Goboleedka Jubbaland, waxaana ay qireen in Puntland ay tahay halka lagu unkay dawladda rasmiga ah ee hada kajirta Soomaaliya, taasi oo uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online