Madaxweyne ku xigeenka PL Eng. Camey oo Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.[Masawiro].

May 13, 2015 - Written by Editor

IMG_2811Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. C/xakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-5-2015 aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr. Steven Lauwerier.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey la qaatay Mr. Steven Lauwerier iyo wefdigii la socday ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow iyo Wasiirka Amniga Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore.

Mudadii uu socday kullanka ayaa waxaa looga hadlay dar dargelinta howlaha horumarineed ee hay’adda UNICEF ka wado gudaha Puntland iyo dib u howlgelinta xafiisyadii ay ka baxeen shaqaalihii hay’adda ee dhawaan qaraxii Garoowe ka dhacay ku geeryooday.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey ayaa madaxda Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya uga mahadceliyey imaanshihiisa Puntland iyo sida ay uga go’antahay in marnaba aysan hakin howlaha muhiimka ah ee ay ka wadaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Mr. Steven Lauwerier ayaa sheegay in qorshaha sanadkoodaan baahsan yahay dhammaana ay adeegyadooda gaarsiinayaan Gobolada iyo guud ahaan Degmooyinka Puntland, waxaana uu tilmaamay in yoolka UNICEF-na uu yahay in ilmo kasta iyo Hooyo kasta ay helaan adeega asaasiga ah .

Ugu dambeyn kullanka ay wada qaateen Madaxweyne Cabdixakiin Camey iyo Steven Lauwerier ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, waxaana laysla meel dhigay hirgelinta mashaariicda hay’adda UNICEF ee Puntland oo si siman loo gaarsiiyo shacabka reer Puntland..

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online