Madaxweyne ku xigeenka PL oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.[Masawiro]

May 15, 2015 - Written by Editor

8Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. C/xakiim C/laahi Camey oo ayaa marti gelin sharaf iyo sagootin ah u sameeyey Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad.

Wafdiga Hay’adda Culmada Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa kulanka ay la yeesheen Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. C/xakiim C/laahi Camey waxaa kale oo lagu martiqaaday wasiiro, Culimo iyo nin door kale.

Kulanka ayaa waxaa hadalka furay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, isagoo soo dhaweeyey
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad iyo wafdiga culimada ah ee la socday waxaan uu uga mahad celiyey sidda Sh Bashiir Axmed Salaad iyo culimada kaleba ay ugu howlan yihiin fidinta diinta iyo wacyi gelinta Bulshada Soomaliyeed mel walba oo ay joogto.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed oo isagan kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu ugu baaqay dadki ka soo qayb galay kulanka in ay Alle ka baqaan oo masuuliyadda ay bulshadooda u ahayaan ay si wanaagsan uga soo baxaan maadama ay tahay masuuliyadda beri la is wiidiin doono.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed ayaa sheegay in culimadu ay u tahay lafdhabar bulshada sidaas darteedna ay muhiim tahay in wixii diin ah iyo umada maslaxdooda ah iyaga la wiidiiyo si umadu aduun iyo Aakhiroba ay u badbaado.

Ugu danbayntii ayaa waxaa hadalka qaatay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. C/xakiim C/laahi Camey waxaan uu aad ugu mahad celiyey culimada Soomaalyeed gaar ahaan Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed isagoo sheegay in dowladda ahaan ay diyaar u yihiin in culimada ay la tashtaan wixii dardaaran ahna ay ka qaataan.

no images were found


M_M_Deeq
Hagan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online