Maxkamad Darajada koowaad ee DFS oo dil toogasho ah fulisay

May 13, 2015 - Written by Editor

dilMuqdisho:-Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xukun dil ah ku fulisay Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen Xildhibaan ,Saraakiil iyo dad shacab ah in ay u dileen magaalada Muqdisho.

Xubnahaan maanta dilka lagu fuliyey ayaa waxaa ay horay Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ugu xukuntay dil toogasho ah iyagoo ku eedeysnaa dilkii Xildhbaan Saado Cali Warsame.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ka dib markii lagu fuliyey xukunka dilka ah eedeysanaaysha kala ah , Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi ayaa sheegay in raggaan ay ku ka danbeeyeen dilal loogaystay shaqsiyaadka kala ah:-

1. Xildhibaan Saado Cali Warsame

2. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd

3.Xildhibaan Aadan Maxamed Cali “ Sheekh Aadan Maddeer”

4. Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya.
5.Maxamed Axmed Maxamed “ Qaanuuni” oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online