RW. ku xigeenka DFS oo safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Geneva (Masawiro)

May 28, 2015 - Written by Editor

IMG_3894Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ah ugu kicitimay dalka dibadiisa, wuxuna magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doonaa deeq bixiyayaasha caalamka, halka magaalada Geneva uga qayb galayo shirkii 104-aad ee Shaqaalaha Aduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalinka barito ah kulan balaaran kula qaadanayaa magaalada Nairobi  deeq bixiyayaasha caalamka, isagoona warbixin ka siinaya horumarada ay samaysay dowladda Soomaaliya iyo warbixino ku aadan meelaha mudnaanta u leh in laga caawiyo.

“Waxaa noo qorshaysan inaan caalamka la wadaagno gaabiska ku yimid barnaamijkii Soomaaliya loo soo marinayey deeqaha ee New Deal, kaas oo aan u qabsoomin sidii loo baahnaa, waxaa kale oo deeq bixiyayaasha caalamka uga warbixinaya meelaha dowladda Soomaaliya u leh mudnaanta oo u baahan in laga caawiyo iyo meelaha aan doonayno in mustaqbalka nalaga taageero”ayuu yiri mudane Carte.

no images were found

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qayb galaya shirka  104-aad ee  shaqaalaha aduunka, Shirkan ayaa waxaa looga hadalyaa sidii ay u noqon lahaayeen shirkadaha yar-yar iyo kuwa meel dhexaadka ah kuwo wax soo saar leh, lana yimaada shaqo abuur, iyo ilaalinta shaqaalaha iyadoo dabagal lagu samaynayo cahdigii Ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO) ee la saxiixay sanadii 2008.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya 185 dowladood oo xubno ka haa Ururka Shaqaalaha Aduunka, waxaana  sanad kasta la qabtaa horaanta bisha June.

—-DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW

Muqdisho, Soomaaliya

media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online