Sheekh Xasan Cabdille Xirsi “Sheekh Xasan Turki oo ku geeriyooday gobalka J/dhexe

May 28, 2015 - Written by Editor

Sh-Xasan-TurkiKismaayo:-War goordhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in Allaha u naxariistee uu xalay ku geeriyooday gobalka J/dhexe Sheekh Xasan Cabdille Xirsi “Sheekh Xasan Turki oo ahaa Sheekh si weyn looga yaqaanay Gobollada Jubooyinka iyo Soomaaliya isagoo mar ahaan hogaamiyiihii Ururka Raaskaanbooni ee saldhiga ku lahaan jiray Raas kaanbooni.

Xog ay ka heshay Halgan.net qaar ka mid ah Ehelada Sh.Xassan Turki ayaa sheegaya  in Sheekhu uu xalay saq dhexe ku geeriyooday  deegaanka Hargeysa Yarey waxaaana isla saaka sheekha lagu aasay gobalka J/dhexe

Sheekh Xasan Cabdille Xirsi “Sheekh Xasan Turki” ayaa mudo ka badan 2 sano ku xanuunsanaa deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya  waxaana gacanta ku hayey kooxda Al-Shabaab mana uusan helin Sheekhu  daryeel caafimaad

Waxaan alle uga baryeynaa Sh Xasan Turki in alle u naxariisto danbigiisana dhaafo .Taariikh nolaleedka Sheekh Xasan Cabdille Xirsi “Sheekh Xasan Turki dib baan idiinka soo gudbin doonaa hadii alle idimo.


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online