Shirkadda ganacsiga Towfiiq ee Boosaso oo ambabixisay 340 oo qof.[Video/Masawiro]

May 29, 2015 - Written by Editor

3Boosaaso:-Shirkadda ganacsiga ee Towfiiq oo ajiibaysay codsig culimada Soomaaliyeed ee Boosaaso gaar ahaan Sheekh Daahr Aw-Cabdi ayaa dib deegaanadooda ugu celisay dad Qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman iyagoo soo gaaray maalmihii u danbeeyey magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Allaha barakeeyee Shirkadda ganacsiga ee Towfiiq ee Boosaaso ayaa dad gaaraya ilaa 340 oo qof ka ambabixisay magaalada Boosaaso iyagoo siiyey dadka lacag iyo sahay ay jidka ku maraan.

Prof.Axmed Maxamed Barre oo ku hadlayey maamulka Shirkadda Ganacsiga guud ee Towfiiq ayaa sheegay in ay waajib tahay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ka yimid dalka Yeman oo ah dad aad u dhibaataysan una badan qoysas wata caruur aad u yar yar.

Gudiga Culimada culimada Boosaaso iyo Mu’ssadda Al-minhaaj ayaa mahad ballaadhan u jeediyey maamulka Shirkadda ganacsiga ee Towfiiq ee Boosaaso iyagoo Alle uga baryey in Alle u barakeeyo ganacsigooda.

Gudiga Culimada culimada Boosaaso iyo Mu’ssadda Al-minhaaj ayaa ku booriyey ganacsatad iyo shacabka reer Boosaaso in aan loo kala harin gurmadka dadka walaalahood ah ee ka imaanaya dalka Yeman.

Dhinac kale Sh.Cismaan Maxamuud Xaaji oo ka hadlay goobta ayaa isagana sheegay iney diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan walaalahood Soomaaliyeed eeka soo cararaya colaadaha iyo dagaalka ka socda dalka Yeman.

no images were found

Hoos ka Daawo Shirkadda ganacsiga Towfiiq ee Boosaso oo ambabixisay 340 oo qof

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online