Shirkaddaha Ganacsiga Boosaaso oo Ajiibay codsigii culimo’udiinka Soomaaliyeed amabixiyeyna tiro badan oo ka mid ah Qaxootigii ka Yimid Yeman

May 19, 2015 - Written by Editor

Boosaaso:- Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa ugu horaysay wax ajiiba qayla dhaantii culimada dalka Soomaaliyeed ee ku aadanaa in loo gargaaro qaxootiga ka soo barakacay Yemen waxayna maalinimadii Sabtida ambabixisay qaar ka mid ah qaxootigii ka kuwaas oo gaarayey 300 , halka shirkada Liiban Training Company ay ambabixisay dad gaaraya ilaa 300 oo qof , sidoo kale gudiga loo xulay dejinta iyo ambabixinta qaxootiga ka soo cararaya dagaalka ka socda dalka Yemen iyo shirkado kale ayaa iyana dad aad u fara badan oo qaxootiga ka mid ah u safriyey deeganadoodii dadka ayaa waxaa loo gaar siinayaa deegaanadoodi iyo eheladoodii oo u badan Koonfurta dalka gaar ahaan magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka iyo deegaanada ku xeeran .

Ilaa iyo hadda qaxootiga soo gaaray magaalada boosaaso ayaa gaaraya 5,350 qof , dadkaas intooda badan waxaa la gaarsiiyey deegaanadoodii. Haddana waxaa xerada ku jira dad gaaraya 180 qof kuwaas oo sidda ugu dhakhsaha badan loo qaadi doono.

Dadkaan ayaa waxay u badan yihiin dadka aad u tabar daran oo ubadan dumar , caruur ,waayeel iyo dad xanuunsan. Dhanka qaxootiga ka kasoo baxsanaya dagaalka dalka Yemen ka socda ayaa si xawli ah u soo gaaraya dekeda yemen , maantana waxaa soo gaaray magaalada Boosaaso doon wada 234 qof oo ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yemen , halka kuwo kalena lasugayo.

Dhinaca kale gudiga loo xilsaaray ururinta taakulada qaxootiga ayaa wada howlihii ururinta taakulada cidii wax bixinaysana iyaga ayey la soo xiriirayaan:-

Waxaa laga soo xiriirin gudigga:-

Telefoonada soo socda:

1. Shekh Daahir Aw-cabdi 00252907726104

2. Sheekh Maxamad Macallin 00252 907 796364

3. Sheekh Axmad Yuusuf Daad oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka lambarkiisuna yahay 00252 907 793171.

Akoonada lacaga lagu shubi karo:

Dahabshiil Bank: BSSD 005341

ama Salaam Bank:80125795

ama sahal akoon 445941.

no images were found

Xassan Abdullaahi
Bosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online