Shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland oo lagu qabanayo Gobolka Mudug.[Masawiro]
May 7, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Guddiga qabanqaabada shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland ayaa maanta kulan ay yeesheen waxaa ay si rasmi ah u shaaciyeen goobta , ergada ka qayb galay say tiradooda iyo xilka la qabanay shirwey naha wadatashiga iyo midnimada Puntland.
Afhayeenka gudiga shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland Siciid Faarax Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska odayaasha dhaqanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ergada ka qayb galaysa shirka ay tiradoodu tahay 253 oo laga soo xulay gobollada Bari, Nugaal, Mudug ,Sanaag, Sool iyo Cayn.
Afhayeenka gudiga shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland Siciid Faarax Maxamuud ayaa xusay in shirweynahaan ay ka qayb geli doonaan laguna casumay Dawladda Puntland , Issimada ,Aqoonyahanka , dhalinyarada, Culumaa’udiinka, Ururada Bulshada Rayidka ah,iyo Qurba-joogta.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sanadkii 2014 waxaa sheegay in Puntland lagu qaban doono Shirweynaha wadatashiga beelaha wada dega gobollada Puntlaand si loo xaliyo ama loo turxaan bixiyo cabashooyinka jira.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net