Shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland oo lagu qabanayo Gobolka Mudug.[Masawiro]

May 7, 2015 - Written by Editor

shirGaalkacyo:-Guddiga qabanqaabada shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland ayaa maanta kulan ay yeesheen waxaa ay si rasmi ah u shaaciyeen goobta , ergada ka qayb galay say tiradooda iyo xilka la qabanay shirwey naha wadatashiga iyo midnimada Puntland.

Afhayeenka gudiga shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland Siciid Faarax Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska odayaasha dhaqanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ergada ka qayb galaysa shirka ay tiradoodu tahay 253 oo laga soo xulay gobollada Bari, Nugaal, Mudug ,Sanaag, Sool iyo Cayn.

Afhayeenka gudiga shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland Siciid Faarax Maxamuud ayaa xusay in shirweynahaan ay ka qayb geli doonaan laguna casumay Dawladda Puntland , Issimada ,Aqoonyahanka , dhalinyarada, Culumaa’udiinka, Ururada Bulshada Rayidka ah,iyo Qurba-joogta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sanadkii 2014 waxaa sheegay in Puntland lagu qaban doono Shirweynaha wadatashiga beelaha wada dega gobollada Puntlaand si loo xaliyo ama loo turxaan bixiyo cabashooyinka jira.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online