Shirweyne looga hadlayo amaanka Puntland iyo dhibaatada Al-shabaab oo ka furmay Garoowe.[Masawiro]
May 12, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Shir weyne looga hadlayo adkaynta amaanka deegaanada Puntland iyo ka hortaga dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ka geystaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Shirweyne looga hadlayo adkaynta amaanka deegaanada Puntland iyo dilalka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullahi Cumar Camey waxaana shirka ka soo qeyb gali doona qeybaha kala duwan ee bulshada .
Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qaabkii looga hortagi lahaa leynta haldoonka Puntland iyo kaalinta shacabka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ka qaadan karto sugida amaanka deegaanada Puntland.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dilal kala duwan u geystay ,culumo ,nabadoono.xildhibaano saraakiil, iyo dad rayid ah oo ganacsato ah waxaana u danbeeyey dilkii Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ay ku dileen magaalada Gaalkacyo xili uu ka soo baxay salaadii maqrib Masjidka Abu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo.
no images were found
Faahfaahinta dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah.
M_M Deeq
Halgan.net