Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay Cadaado (Dhageyso)

May 3, 2015 - Written by Editor

OdawaaCadaado:-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Cadaado wuxuuna ka warbixiyey halka uu marayo dhismaha Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in carqaladeeyaan Maamulka loo dhisayo gobolada Dhexe kuwaas ay ka mid yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada dhexe kuwaas sheegay in ay kala direen Guddiga Farsamada maamul u sameynta gobalada dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ayaa carabka ku dhuftay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid wuxuuna sheegay in uusan xaq u lahayn in uu kala diro Guddiga Farsamada ee haatan ku gudaha jira soo xulista ergooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socoto soo dhisida Maamulka Gobalada dhexe wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan faragalinta iyo carqalada ay ku hayaan shirka ka socda Cadaado.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/dshskd416i/odawaa.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online