Wasiirka G/dhiga DFS Oo La kulmay Gudiga Iskudhafka Ciidamada ee Soomaaliya (Masawiro)

May 14, 2015 - Written by Editor

IMG_2722Muqdiaho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan dar-daaran iyo dhiirgelin isugu jira la qaatay guddiga isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dhawaan magacowday Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana isugu jira aqoon-yahano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha ciidamada muddo dheerna kasoo shaqaynayay, kana kooban qeybaha kala duwan ee Soomaalida. Wasiirka ayaa sidoo kale, waxaa kulanka ku weheliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xaggaa iyo masuul ka socday IGAD.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa u sheegay xubnaha guddiga isku dhafka ciidamadda in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba ay ka sugayaan ciidan isku dheeli tiran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubin walba oo kamid ah guddigan ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta iyo gaarista howlaha muhiimka ah ee loo xil saaray.

“Sidii aan horey ugu balanay, waajibaad qaran ayaa idin saaran, xubnaha guddiga waa kuwa aan ku kalsoonahay in ay si huffan u gudan doonaan shaqada loo xil saaray, sidii uu shalay idiin sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda howsha la idinka sugayo waa in aad dalka u horseedaan dhismaha ciidan qaran oo mideysan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Ugu danbeyn, waxaa goobta ka hadlay Wasiir-u dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, oo guddiga isku dhafka madax u ah, wuxuna sheegay in mideynta ciidamada ay tahay mid door muuqato ka qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo inay noqdaan ciidan awood ballaaran leh.

no images were found

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in la isugu dhafo Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, si loo helo ciidan leh tayo sare oo matalaya Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay xubnaha guddigan ee ka kooban 15ka xubnood ay booqan doonaan maamullada ka jira Soomaaliya.

–DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online