Xaflad sagootin iyo mahadcelin ah oo lagu qabtay Dugsiga Agoonta ee Daarul Xanaan Qardho.[Masawiro]

May 9, 2015 - Written by Editor

20150509_073608Qardho:-Xafladan oo ahayd xaflad si heersare ah losoo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen maamulka degmada masuuliyiinta waxbarshada heer gobol iyo her degmo masuuliyiinta shirkada Golis maamul ka macalimiinta iyo ardada dugsiga agoonta Daarul Xanaan ayaa waxay ahayd xaflad lagu sagootina yay ardada fasalka 8aad ee u fariisanaysa imtixaanka santarlayska fooda nagu soo haya sidoo kalena loogu mahadcelinayay dhamaan dadka ka qaybqaata dhaqaalaha ku baxa dugsiga agoonta ee magaalada Qardho.

Xafladan ayaa waaxa ugu horayn ka hadlay masuulka guud ee dugsiga Al-xanaan Qardho C/qaadir Yaasiin Maxamed wuxuuna warbixin kooban uu kasiiyay marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada, waxana uu sheegay in Madarasada Al-xanaan la furay sanadka markuu ahaa 1997 xiligaasna loo furay baahiyo jiray waxaana furitaankeeda qaybwayn ka qaatay Jimciyad la oran jiray SWA Jimciyadaas oo xarumo ka furtay magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garowe, Laascaanood iyo Gaalkacayo.

Xarumaha ayaa waxaa  lagu daryeeli jiray agoomaha, Hay’ada Maka Al-mukarama oo ahay hay’ad sacuudi ah ayaa sidoo kale bixin jirtay dhaqaalaha ku baxa madarasada sida mushaharaadka macalimiinta, Cunto labada galin ah oo lasiin jiray caruurta iyo guud ahaan mushaharaadka shaqaalaha, ciid siinta iyo afurinta ardayda, sanadka markuu 2011 ayaa hay’adii maka al-mukarama waxa ay soo gaarsiisay maamulka madarasada inaysan sii wadi karin sababo la xiriira dabagal ay ku samaysay dowladeeda, sanadkii 2011 ilaa 2014 ayaa madarasada dhaqaalaheeda waxaa lagu bixin jiray nidaamyo kala duwan oo ah in loo tago shakhsiyaad, shirkadaha ganacsiga iyo siyaabo kale

Markii dambe ayaa waxaa dhib noqotay in sidaa lagu sii wado, sanadka hada aan ku jirno 2015 waxaa la’isla gartay in la helo dad muxsiniin ah oo la’eg tirada agoonta ee ku jirta madarasada kuwaas oo kafaala qaada agoonta ilaah fadligiisna waxaa inoo hergalay buu yiri C.qaadir Yaasiin oo hadalkiisa sii wata Barnaamij ay hormuud u ahaayeen qaar kamid ah dadka deegaanka sida Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Bashiir Axmed Gaalari iyo kan Degmada Siciid Maxamed Faahiye barnaamijkaas ayaana ahaa in daka ku sugan dalka gudihiisa lagu qoro lacag $10 (toban doolar ah ) kuwa dibadana lagu qoro lacag $15 (shan iyo toban doolar ah) gabagabadii hadalkiisa Masuulka waxa uu u mahad celiyay dhamaan dadka Muxsiniinta ah ee u taagan ka qaybqaadashada Caawinta agoomaha Daarul-Xanaan Qardho.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo asna dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay dadkii u istaagay inay bixiyaan kharashaadka ku baxa agoomaha Qardho wuxuuna dhamaan dadka jooga dal iyo dibadba kula dardaarmay in lacaawiyo agoomahaas.

Maamulaha shirkada Golis Axmed Cawaale oo sidoo kale munaasabada ka hadlaya ayaa ku dheeraaday ajarka laga helo agoonka oo wax lataro wuxuuna xusay in dhankooda ay ka qaybqaadan doonaan caawinta agoomaha wuxuuna mahad balaaran u jeediyay masuuliyiinta madarasada ee gacanta ku hayay mudo 17 sano dhowrsanana ay la dhibtoonayeen sidii ay u dabooli lahaayeen Baahiyahay agoomaha wuxuuna si gaar ah u xusay rag uu kamid ayahay C/qaadir Yaasiin Maxamed.
Axmed Cilmi Sugulle oo kamid ah Dhalinyaradii soo agaasintay xaflada oo horayna uga qalinjabiyay Daarul-Xanaan oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay inay wadaan qorshe loogu samaynayo dalad lagu midaynayo dhamaan dhalintii ka soo qalinjabisay Daarul-xanaan oo hada ka shaqeeye dhamaan Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa dowligaba sidii ay caawin iyo olole lagu caawiyo ugu samayn lahaayeen.

Gabagabadii Munaasabada ardayda waxa ay soo bandhigeen riwaayad ka tarjumaysa agoonka waxayn ardada madarasada ku baraarujiyeen in agoonku uusan ahayn agoon goorta uu aabihii dhinto ee agoon yahay goorta ay wxbarasho la’aan ay ku dhacdo waxaana munaasabada soo qaybaheedii dambe kalimado isugu jira baaq iyo mahadcelin ah ka jeediyay Masuuliyiinta waxbarashada Gobolka iyo Degmada.

no images were found

Halgan.net
Qardho,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online