Xaflad xalay ka dhacday Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe.[Cod/Masawiro]

May 1, 2015 - Written by Editor

IMG_9523Garoowe:-Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ayaa xalay waxaa ka dhacday xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya , Madaxweynaha Maamulka Jubb-Land iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya iyo Weftiyo kala duwan oo ay kala hoggaaminayeen oo Dhammaan toodba u yimi caasimadda Puntland ee Garoowe Madasha Shirka wada tashiga dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka soomaaliya.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamula Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladdaha Puntland iyo federaalka ,iyo maamulada Jubba-Land iyo Koonfur-Galbeed Soomaaliya isimo, waxgarad, Haween iyo Marti sharaf kale.

Furitaanka xafladda ayaa kooxda Waaberi Puntland waxaa ay ku soo bandhigeenriwaayad iyo heeso wadani ah kuwaasi oo lagu soo dhaweynayey islamar ahaantaana lagula dardaar mayey Madaxda madasha isugu timi siday uga shaqayn lahaayeen isu keenidda ummadda soomaaliyeed ee colaaduhu hala keeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xafladda isla markaasina cabiray dareeenkiisa ku aaddan soodhoweynta madaxda soomaaliyeed ayaa sheegey, ”Farxad weyn bay nootahay Puntland ahaan inaanu marti gelino madasha shirka wadatashiga soomaaliyeed ee labadii beri ee lasoo dhaafay socdey ilaa beritana aan rajeynayo inuu socdo, wax miradhal ah oo dhaxal gal ah horseedayana mid-nimo soomaaliyed, qaraannimo soomaaliyeed iyo guul soomaaliyeed inay kasoo baxaan ayaan raynayaa ” Ayuu yir Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee laga hadlayey ay kamid tahay dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliya oo dhan hanan kara isla mar ahaantaana dalka oo dhan ka sifayn kara kooxaha budh-cad diimeedka ah ee alshabaab kuna soo dabbaali kara dalka xasilooni iyo kala dambayn.

“Waxaa la ogaadey runtii in soomaaliya haddii larabo inay qaran ahaato , haddii la rabo sharaftii ay lahaan jirtey inay yeelato , inay muhiim tahay in lahelo ciidan soomaaliyeed oo cadow dibad iyo gudeba ka difaaca soomaaliya” ” Nasiib darro weeye inaan maanta niraahno waxaa noosoo gurmadey Siiraliyoon iyo Burundi oo soomaaliya difaacaya oo shabaab kacelinaya oo kasuulinaya ilama aha aniga iimana muuqato umana eka ilaa lahelo ciidankaa soomaaliyeedna uma eka in lahelaayo qarannimo soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Gaas ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha maamullada dalka kajira iyo kuwa cusub ee imminka lasamayanayaba waxa uu ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim utahay in la dardargeliyo dhismohooda si loo gaadho horumar ballaadhan sidoo kalena waxaa uu caddeyey madaxweyne Gaas siyaasaddiisa kaga aadan maamul usamaynta gobollada dhexe.

“Arrinta maamul usamaynta gobollada dhexe maxay tahay fikirka Puntland ay kaqabtaa, halkaan heshiis ay ku galeen dawladda federaalka iyo dawladda Puntland October 4 2014 xilligaas oo uu nooyimi Raysul-wasaare C/weli Sh.Madaxweyne Xasan Shiikhna waa uu taageeray, annagu marka waxaan leenahay Bariga Mudug,Galbeedka Mudug iyo Woqooyiga Mudug intuba waa Puntland, Koonfurta Mudug sheegan mayno, waxaa maamulka loo dhisayaahi waxaa weeye sidaan annagu aaminsanahay koonfurta Mudug iyo Galguduud weeye” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land , Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyaa ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo maamuuska ballaadhan oo ay usameeyeen iyagoona ku ammaanay horumarada ay Puntland ka gaadhey dhinacyada dhisamaha dalka iyo sugidda nabadgelyada, sidoo kalena waxay sheegeen inay Puntland tusaale cad u tahay soomaali inteeda kale ayna ku dayasho mudan yihiin.

no images were found

Hoos ka Dhagayso khudbadii uu Madaxweyne Gaas ka jeediyey Xafladii xalay

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/9cqh82qjjy/Gasxalay.mp3]

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online