Xiriirka ka dhexeeya Shiicada iyo Yahuuda Sh Dr.Xassan Sh.Cali Warsame [Dhagayso]

May 10, 2015 - Written by Editor

thumbs_img_3613Boosaaso:-Waxaa mar kale caawa idiin soo gudbinaynaa haddi Alle Idmo muxaadaradii 2aad ee laga jeediyey Nadwadii diiniga ahayd ee ka dhacayday Masjidka Rowda looguna magacdaray Manhajka Ahlu Sunaha Iyo halka ay ka taagan yihiin Shiicada( منهج أهل السنة وموقفهم من الشيعة) waxaan muxaadaradaan Jeediyey Sh Dr. Xassan Sh.Cali Warsame isagoo uga hadlay Dhibaatooyinkii ay shiicadu ku samaysay dadka muslimiinta ah laga soo bilaabo markii ay soo baxday shiicadu.

Hordhac ka dib waxa uu sheekhu guda galay inuu wax ka sheego gabood falladii ay u gaysteen shiicadu dadka islaamka suniga ah, waxana uu tusaale u soo qaatay isagoo hadalkiisa sii wata, labo dhacdo oo ay shiicadu sameeyeen.

Dhacdada koowaad oo dhacday sanadkii 290 hijriga, ayaa ahayd in nin hogaamiye shiici ah iyo ciidan uu wato ay jidka u galeen dad muslimiin ah oo xajka ka yimid,markii ay iska hor yimaadeen xujaydii way iska difaaceen markii ay isku daaleen ayaa hogaamiyihii shiicadu ku yiri muslimiintii “ ma idin la socdaa hogaamiyihiinii ? muslimiintii waxay ku jawaabeen “May” ka dibna waxay ku yiraahdeen iska socda idinka idin ma aannaan doonay, iyagoo doonaya in ay dhakraan , xujaydii way iska tageen markii ay is dhigteen muslimiintii hubkoodii ayay ka daba tageen oo gaadeen, waxayna halkaa ku dileen in ku dhow 20kun oo xaaji,ceelashii ka ag dhawaana way xabaaleen.

Dhacdada labaad waxay ahayd xilli hore inay shiicadu soo gashay Xaramka halkaasna ay kulaayeen xujjay aad u fara badan, markii ay xujaydii seeftii ka dhargiyeen ayay u yaaceen xaga Kacbada iyagoo ku dhag dhagaya daahyadeeda laakiin kama aysan harine halkaasna waa ku dhammeeyeen, intaa ka dib waxay qaateen xajjarul Aswadka iyagoo la maqnaa in ka badan 20 sano kuna haystay meesha layiraahdo “Axzaa.”

Sh Dr.Xassan Sheikh Cali Warsame waxa uu sheegay dhacdooyin kale oo iyaguna ka dhacay Xaramka sidda mid ka dhacday sanadkii 1987 in shiico dagaal ku qaaday xujaydii halkaasna ay ku dileen xujjay fara badan iyaga dad badan looga laayay. Haddaba waxaa iswaydiin mudan maxay shiicadu dadka ugu laysaa xaramka ilaahay?

no images were found

Hoos Ka Dhagayso Xiriirka ka Dhexeeya Shiicadda iyo Yahuuda Sh Dr.Xassan Sh.Cali Warsame

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/od7yjn8us2/Xiriirka_Ka_Dhexeeya_Shiicada_Iyo_Yahuuda_Sh.Dr_Xasan_Sh.Cali_Warsame.mp3 ]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Bosaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online