Al-Shabaab oo dishay Sarkaal Taageeray Daacish

November 22, 2015 - Written by Editor

voaWaraka aynu ka helnay dadka degaanka iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in weerar gaadmo ah oo maleeshiyada ururka Al-Shabab ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey lagu dilay afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horey uga mid ahaa saraakiisha ururka Al-Shabab.

Sheekh Xuseen Cabdi Geedi iyo xubnaha kale ayaa la sheegay inay taageereen ururka Daacish ciidamana ay urursanayeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in Sheekh Xuseen uu ahaa hoggaamiyaha maleeshiyada ka baxday Al-Shabab ee taageerada u fidisay Daacish.

Hore waxa uu ninkaasi usoo noqday Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee ururka Al-Shabab. Sidoo kale waxa uu Al-Shabab uga soo shaqeeyey magaalada Kismaayo. Faahfaahin badan lagama hayo afarta qof ee kale ee la dhintay Sheekh Xuseen Cabdi Geedi.

SOURCE:VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online