Ardayda Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garowe oo doortay Gudoomiye cusub.[Masawiro]

November 2, 2015 - Written by Editor

IMG_1060Garoowe:-Tartanka doorashada Gudoomiyaha Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe ayaa wareega 1aad waxaa ku tartamay Afar Murashax oo kala ah Maxamed Karaama, Maxamed Faarax , Daa’uud Sakariye, iyo Guleed Ismaaciil waxaana Wareega 2aad u soo gudbay Daa’uud Sakariye oo helay 220 Cod halka Guuleedna uu ka helay 71 cod sidaana waxaa loogu balamay Qabashada Wareega 2aad ee tartanka.

Codeynta Ardayda wareegi 2-baad kadib waxaa Gudoomiyaha Ardayda jaamacada Bariga afrika ku guuleystay Daa’uud Sakariye Xirsi oo Helay 258 Halka Murashaxii la tartamayey ee Guuleed Ismaaciil Aadan uu helay 144 Cod sidaana waxey guushu ku Raacday Mudane Daa’uud Sakariye.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe Sh.Maxamuud Xaji Yusuf oo madasha ka hadlay wuxuu soo dhaweeyey Gudomoomiyaha cusub ayna la shaqayn doonaan una fududeyn doonaan waxyaabaha uu doonayo wuxuuna sheekhu codsaday in mar walba Ardaydu ku dadaalaan soo kordhinta fikrado cusub oo dalka diinta iyo dadka waxtar u leh, sidoo kale Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa isagana ku tilmaamay si xalaal ah in ay ahayd habkii ay Doorashada u dhacday si waynna arintan looga soo shaqeeyey.

Anisa C/qaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa qaabki ay doorashada u dhacday
ku tilmaamtay hab caalami ah kalsoonina ku beereysa Murashax kasta oo tartamaya Ardayda Jaaacada Bariga Afrika ayeey ku sheegtay Wasiirada in ay ka muuqato isku xirnaan iyo maamul wanaag iyadoo si weyna gabdhaha ugu boorisay xagooda in ay ku biiraan hogaaminta,waxay dhanka kale guul u rajeesay Gudoomiyaha cusub ee Ardayda.

Gudigii ka shaqeynayay Doorashada oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen gudi hawlkar ah ayaa madasha lagu Gudoonsiiyey Shahaado sharaf iyo abaalmarino kalena ay Jaamacada u balan qaaday, waa doorashadii Afaraad ee ka dhacda Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe tan iyo intii laga furay magaalada Garoowe.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta
EAU Garowe.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online