Culimo ka kala yimid Gobollada Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaada Gaalkacyo.[Masawiro/Dhagayso]
November 29, 2015 - Written by EditorGaroowe:- Waxaa culimada Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo ka kala yimid magaalooyinka , Muqdisho , Burco, Bosaaso iyo Garoowe ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dagaal dhexdooda ah waxaan ay si gaar ah baaq ugu direen shacabka ku nool Gobolka Mudug in ay ka fogaadaan dagaal aan wax faa’iido lahayn.
no images were found
Culimada Soomaaliyeed ee ka qayb galay kulanka ka dhacay magaalada Garoowe oo ay culimadu baaqa nabadeed ay ku dirayeen waxaa ka mid ah:-
1. Sh. Dr Axmed Imaan , Muqdisho
2. Sh. Faysal Cali Faarax , Burco
3. Sh Axmed Cabdisamad, Garoowe
4.Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf , Garoowe
5.Sh Maxamed Macalin Axmed, Boosaaso
6. Sh Yaasiin Cabdulaahi, Garoowe
Culimadu ayaa waxaa ay si cad u sheegeen xaaraanimada dhiigga muslimka, iyo in ay waajib tahay in dagaalka la joojiyo. Culimada ayaa waxaa kale oo ay xuseen xilka madaxda iyo dad weynahaba ka saaraan daminta colaada iyo joojinta dhiiga muslimiinta ee la iska daadinayo.
Hoos ka Daawo Baaq culimada soomaaliyeed ee kulanka ku yeeshay Garowe
Nuur Jaamac
Garoowe