Dowro cilmiyeed loo qabtay ardayda Dugsiyada sare ee magaalada Laascaanood.[Masawiro]

November 20, 2015 - Written by Editor

2 (2)Laascaanood:-Golaha ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood ayaa dowro cilmiyeed soconaysay muddo labo maalmood ah waxay u qabteen qaar ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dowrada oo loo bixiyay( ardayda muslimka ah iyo waxa laga rabo maanta iyo beri) ayaa waxaa kasoo qayb galay 30 arday oo ka kala socday 5 dugsi sare oo kala ah Muuse Yuusuf, Nugaal, Al-furqaan,  Ilays, iyo waliba Gate way.

Dowrada oo ay ujeedadu ahay siddii dhalinyarada loogu bayaamin lahaa waajibaadkooda xilligan iyo ka mustaqbalkaba isla markaana loogaga digi lahaa dhibaatooyinka haysta dhalinyarada , ayaa waxaa ka baxay 5 darsi sida: tahriibka, duulaanka reer galbeedka, muslimiinta iyo aqoonta, dawrka dhalinyarada ee bulshada, sababaha dib-u dhaca muslmiinta ayna jeedinayeen qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo culimada gobolka sida, Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal.

Prof. Abdirisaq Lafoole,Dr.C/majiid Xuseen Sugulle, Sh.Cali Aadam dalmar,Sh.Bashiir Ibraahim Sugulle iyo waliba Sh.Mowliid Cumar Jaamac. Ugu dambayntiina waxa dowrada lagu soo gaba gabeeyey tartan aqooneed u dhexeeyey ardaydaasi,waxaana halkaasi guushu ku raacday arday dugsiga sare ee Ilays .

no images were found

Ahmed Said
Guddiga warfaafinta iyo isku xidhka
qalin jabiyayaasha ee Golaha Al-furqaan.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online