Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Norway oo kulmay

November 26, 2015 - Written by Editor

IB0A0942Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay’adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.

Madaxweynaha iyo Mr Bondevik ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal iyo kaalinta hay’adda Oslo Centre ay ka qaadan karto dhismaha asxaabta siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqdey dib u dhiska Soomaaliya, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Mr Bondevik ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamanka, Jeylaani Nuur Iikar, iyo mas’uuliyiin kale.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online