Madaxweynaha DFS oo gaaray Magaalada Kampala ee dalka Ugandha

November 8, 2015 - Written by Editor

Xasan_ShmaxamuudMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe, ee dalka Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni kala hadli doono arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.

Uganda ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM.
Madaxweynaha ayaa socdaalka Uganda kadib, kulan kaa la mid ah magaalada Djibouti kula yeelan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan waddanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, bishii September, waxay isla garteen dardar-gelinta hawlgalada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxda Al Shabaab oo khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya , halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal oo Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.

–DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online