Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
November 13, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laab tey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 4-aad Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.
Madaxweynaha ayaa shirkaasi khudbad ka jeediyay, kadibna kulamo la qaatey qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey shirka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa shirka magaalada Riyadh kadib u gudbey magaalada barakeysan ee Makka, halkaas oo uu ku soo gutey Cumro, shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiintana ugu duceeyay.
Ka hor intaanu tegin dalka Sacuudiga, waxaa Madaxweynaha uu booqashooyin ku soo marey dalalka Uganda iyo Djibouti, isagoo hoggaamiyeyaasha waddamadaasi kala hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga gobolka.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.
– DHAMMAAD—