Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

November 13, 2015 - Written by Editor

unnamed22Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laab tey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 4-aad Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi khudbad ka jeediyay, kadibna kulamo la qaatey qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey shirka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa shirka magaalada Riyadh kadib u gudbey magaalada barakeysan ee Makka, halkaas oo uu ku soo gutey Cumro, shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiintana ugu duceeyay.

Ka hor intaanu tegin dalka Sacuudiga, waxaa Madaxweynaha uu booqashooyin ku soo marey dalalka Uganda iyo Djibouti, isagoo hoggaamiyeyaasha waddamadaasi kala hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

– DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online