Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Danjire Nickolas kay

November 18, 2015 - Written by Editor

IMG_7844Madaxweynaha Dowladda  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa  Nov-18-2015 Aqalka Hoyga uu ka degganyahay Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nickolas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullan gaar ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd   la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay.

Markii uu soo  idlaaday kulanku ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay  inay kawada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, iyo  Shirarkii dhowaan kasocdey Soomaaliya oo looga hadlayey geeddi socodka Doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku ammaanay  Danjire Nickolas kay waxqabadkiisii muddadii uu soomaaliya kasoo shaqaynayey isagoona sheegay inay si’dhow uwada shaqaynayeen waxaana uu urajeeyey guul iyo horumar maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedkiisii.

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawado  gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaadhey muddadii yarayd ee uu hoggaanka Puntland hayey.

no images were found

Gebagebadii kulanka ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali guddoonsiiyey Danjire Nickolas key hadiyo ka kooban waxyaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay Puntland caanka kutahay oo lagu xardhay Calanka Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online